Dowlada Masar Oo Bayaan Kulul kasoo Saartay Go’aanka Israa’iil Ee Degaan-maysiga cusub ee Daanta Galbeed

Dowladda Masar ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo si kulul u cambaareynaya go’aanka ay Israa’iil dib ugu billowday nidaamka diiwaangelinta dhulka iyo hawlaha la xiriira dejinta degaansiinta cusub ee Daanta Galbeed ee la haysto.

Bayaanka ayaa lagu xusay in tallaabadan ay tahay mid khatar ku ah dadaallada nabadeed, isla markaana sii hurin karta xiisadda ka taagan dhulka Falastiiniyiinta. Masar waxay muujisay walaac xooggan oo ku aaddan in tallaabadan ay tahay tii ugu horreysay ee noocan ah tan iyo sanadkii 1967.

Masar ayaa ku baaqday in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay, iyadoo adkeysay muhiimadda ay leedahay in la joojiyo tallaabo kasta oo wax u dhimaysa xalka laba dowladood iyo dadaallada lagu doonayo xasillooni waarta oo ka hirgasha gobolka.

Related posts

Maraykanka oo hubkiisii militari ee waqooyiga Kuuriya u raraya Bariga Dhexe

Ilaalada Kacaanka Iran oo u jawaabtay Trump: “Annaga ayaa go’aaminayna goorta dagaalku dhammaanayo”

M/Putin Oo Sheegay inuu Diyaar u yahay In Shidaal Uu ka Iibiyo dalalka Yurub iyo Maraykanka