Dowladaha Soomaaliya iyo Turkey oo fulinaya heshiis ay laba dal horay u wada galeen ayaa hada duleedka degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha dhexe ka samaysay saldhig lagu tababaro ciidanka bada Soomaaliya kaas oo ku yaalla gudaha Xayndaabka saldhiga Turkidu halkaas ka dhisteen ee laga tuuri doono dayax gacmeed sidoo kalana gantaalaha lagu tijaabi doono.
Ciidanka bada ayaa qaybihii horeeyay halkaas loo qaaday waxaana hada la magacaabay talisyada iyo hogaanada ciidanka bada Qaybta Cadalle sida ay muujinayaan docoments ay aragtay Inside Somalia.
Ciidanka halkaas jooga ayaa ku howlgalaya doono yaryar oo ay dhawaan keentay dowladda Turkey kuwaas oo dhanka xeebta ka ilaaliya saldhig oo gudahiisa iyo banaankiisa ay joogaan cutubyo ka tirsan Gorgor iyo ciidamada Turkey. Saldhiga oo qayb ahaan la dhisay ayaa la geeyay qalab xooggan iyadoo durba la bilaabay tababaro.
Dhanka kale diyaaradii maanta soo gaartay Muqdisho ee ay leheed dowladda Turkey ayaa qaatay cutubyo ka tirsan Haramcad oo tababar heer sare ah loogu qaaday dalka Turkey.


