Ingiriiska ayaa oggolaatay in saldhigyadiisa loo isticmaalo weerarada Maraykanku ka dhanka ah goobo Iiraan ee lala xiriirinayo weerarrada ka dhacaya marin-biyoodka Strait of Hormuz.
Xafiiska looga arrimiyo UK ee Downing Street ayaa horey u oggolaaday in ciidamada Maraykanku isticmaalaan saldhigyada Britain si ay u fuliyaan hawlgallo looga hortagayo in Iiraan riddo gantaallo halis gelin kara danaha ama nolosha dadka British-ka ah.
Laakiin wasiirradu waxay ku heshiiyeen kulan maanta dhacay in isticmaalka saldhigyada Britain ee Maraykanka la ballaarin karo, si ay u ilaaliyaan maraakiibta ku sugan marinka Hormuz.
UK si toos ah uguma lug yeelan doonto weerarradan, xafiiska Downing Street-na waxuu sheegay in “mabaadi’da hagaya habka UK ay u wajahdo colaaddan ay weli sidoodii yihiin”.
Afhayeen u hadlay Downing Street ayaa sheegay in wasiirradu maanta ku heshiiyeen in saldhigyada loo isticmaali karo “hawlgallo difaac ah oo Maraykan ah” si loo beegsado “awoodaha loo adeegsanayo weerarrada ka dhanka ah maraakiibta ku sugan marinka Hormuz”.
Waxay intaas ku dareen in “wasiirradu ay adkeeyeen baahida degdegga ah ee loo qabo dejinta xiisadda iyo helitaanka xal degdeg ah oo lagu soo afjaro dagaalka.”
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK, Yvette Cooper, ayaa uga digtay dhiggeeda Iiraan, Abbas Araghchi, inuusan weerarin saldhigyada UK intii lagu jiray wicitaan taleefoon oo dhacay Khamiistii, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK.
Arrintan ayaa timid kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ay faahfaahin ka bixisay wicitaankaas, iyadoo Abbas Araghchi uu uga digay in oggolaanshaha Maraykanka inuu isticmaalo saldhigyada Britain ay ka dhigan tahay “ka qaybqaadasho gardarro”.