Dowlada Serbia Oo Tababar Dhinaca Adeegsiga Taangiyada Dagaalka Iyo drones-ka Siisay Ciidanka Somaliya.

Dowladda Serbia ayaa hadda tababar siisa ciidanka gaarka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan sida loo adeegsado taangiyada dagaalka ee M-84 AC3 iyo nidaamyada drones-ka (UAV) sida ay sheegeen ilo si dhow ula socda xogta.

Soomaaliya ayaa filaysa inay hesho 17 taangi oo nooca M-84 AC3 ah iyo drones, kuwaas oo ay weheliyaan qalab dayactir (spare parts) iyo hub iyo rasaas. Dowladda ayaa hubka qayb ahaan iibsatay halka qaybta kalana lagu siiyay dayn sida ay qabaan saraakiil xogta si dhaw ula socda.

Serbiya ayaa 3.5 sano ee ugu dambeeyay gacanta ku haysay tababarka ciidanka gaar ah ee ilaalada madaxtooyada oo ilaa iyo hada ay ka qalin jabiyeen boqolaal askari oo tirsan ciidanka gaar ah ilaalada madaxweynaha.

Related posts

M/Putin Oo Sheegay inuu Diyaar u yahay In Shidaal Uu ka Iibiyo dalalka Yurub iyo Maraykanka

Itoobiya Iyo Israel Oo Sare U Qaadaya Xiriirkooda Xili Dagaalka Iran Meel Adag Marayo.

Sarkaal ka Tirsanaa Sirdoonka Ciidmada Badda ee Mareykanka Oo Xog Xaasaasi ah Bixiyay.