Turkey Oo Diyaaradaha Dagaalka U Dirtay Jasiirada Qubrus Nidaamka difaaca Hawada Gaysay Bariga Dalkaasi

by Heemaaln
1 minutes read

Turkiga ayaa u diray 6 diyaaradood kuwa dagaalka nuuca F-16 ah iyo nidaamyo difaac hawada ah si loo geeyo Jasiirada waqooyiga Qubrus, iyadoo la xoojinayo ammaanka gobolka kadib xiisadaha ka dhashay dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshe lagu kordhinayo difaaca jasiiradda, iyadoo Ankara ay sidoo kale sheegtay inay qaadi karto tallaabooyin kale haddii xaaladda gobolka sii xumaato

Dhinaca kale Dowladda Turkey ayaa sheegtay in nidaamka difaaca hawada ee Patriot loo diyaarinayo inuu ka shaqo bilaabo bariga Turkiga, taas oo qayb ka ah dadaallo ay si wadajir ah ula wadaan NATO si loo xoojiyo ilaalinta hawada Turkiga.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bayaan ku sheegtay in ciidanka Turkigu ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta amniga dalka iyo muwaadiniinta, iyadoo la tixgelinayo xiisadaha ka jira gobolka.

Nidaamka Patriot-ka ayaa hadda yaalla magaalada Malatya, halkaas oo ay ku taallo xarun radar ah oo NATO ay dhistay 2012 si loo ogaado gantaallada ballistic-ka.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in nidaamyada difaaca hawada ee NATO ay Isniintii soo rideen gantaal laga soo tuuray Iran oo ku sii jeeday dhanka Turkiga, taas oo noqotay dhacdadii labaad toddobaad gudihiis oo gantaallo Iiraan laga soo riday ay galaan hawada Turkiga.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.