Dowladda Turkiga Oo sheegtay in Goobta Hawada Sare Qorsheyneyso Somaliya ay furi karto waddooyin cusub

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in goobta hawada sare (spaceport) oo ay ka qorsheyneyso Soomaaliya ay furi karto waddooyin cusub oo iskaashi ah oo ku saabsan amniga, warshadaha difaaca iyo wadaagista tiknoolajiyadda labada dal.

Burhanettin Duran, oo ah madaxa Waaxda Isgaarsiinta ee Madaxtooyada Turkiga isla markaana ah kaaliye sare oo la taliye u ah Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa mashruucan ku tilmaamay mid ka mid ah iskaashiyada ugu muhiimsan ee u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho, isagoo ku sifeeyay “mid xiiso leh.”

Duran ayaa hadalkan ka sheegay kulan dood ah oo cinwaankiisu ahaa “Turkey-Somalia Relations in the Process of Global Transformation” oo lagu qabtay magaalada Ankara maanta lagu qabtay.

“Waxaan u maleynayaa in mashruucan xiisaha leh uusan kaliya sare u qaadi doonin sumcadda caalamiga ah ee Turkiga iyo Soomaaliya, balse uu sidoo kale horseedi doono fursado cusub oo dhinacyo badan leh, oo ay ku jiraan amniga, warshadaha difaaca iyo wadaagista tiknoolajiyadda.”

Dhismaha xarunta hawada sare ee laga dhisayo xeebaha Badweynta Hindiya ee Soomaaliya ayaa bilaabmay sanadkii hore, kaddib markii la soo gabagabeeyay daraasadaha suurta-galnimada iyo naqshadeynta.

Mashruucan waxaa lagu hirgelinayaa dhul ay Soomaaliya siisay Turkiga, iyadoo lagu saleeyay heshiis iskaashi laba geesood ah oo ay labada dal kala saxiixdeen sanadkii 2024.

Inkasta oo qaabka sharciyeed ee mashruucu uusan weli si buuxda u caddayn, haddana warbaahinta Turkiga ayaa bishii Agoosto sheegtay in goobta la tilmaamay ay ku dhowdahay dhul-baraha (equator), islamarkaana ay ku fadhido dhul qiyaastii gaaraya 30 kiiloomitir oo laba jibbaaran (ku dhowaad 19 mayl oo laba jibbaaran).

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan