DP World Oo Iibisay Qayb ka mid ah Saamigeeda Dekedda weyn ee Jeddah,

by Heemaaln
1 minutes read

Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa iibisay qayb ka mid ah saamigeeda terminal-ka koonfureed ee konteenarrada Dekedda weyn ee Jeddah, taasoo ku taalla Badda Cas, iyadoo heshiis la gashay shirkadda saadka ee Denmark laga leeyahay ee AP Moller-Maersk.

DP World oo ay leedahay magaalada Dubai, mid ka mid ah toddobada imaaradood ee dalka Imaaraadka, ayaa Arbacadii shaacisay in labada shirkadood ay ku heshiiyeen iskaashi istiraatiiji ah oo ku saabsan maamulka iyo horumarinta terminal-ka koonfureed ee dekedda Jeddah.

Sida ku cad heshiiska, Maersk waxay la wareegaysaa 37.5% saamiga terminal-ka, halka DP World ay sii hayn doonto 62.5% saamiga ugu badan, isla markaana ay sii wadi doonto hoggaaminta iyo maamulka hawlaha dekedda.

Iibkan ayaa yimid xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta. Labada dal ayaa isku haya arrimo ku saabsan Badda Cas, gaar ahaan dalalka Yemen iyo Sudan, waxaana sidoo kale ka dhex aloosan muran warbaahineed oo baraha bulshada ah.

Dad badan oo caan ah oo Sacuudi ah ayaa ku eedeeyay Abu Dhabi xiriir dhow oo ay la leedahay Israa’iil, halka warbixino dhowaan la soo bandhigay ay sheegayaan in Imaaraadku ku cadaadiyay kooxo Mareykan ah oo taageera Israa’iil inay cambaareeyaan Sacuudi Carabiya iyagoo ku eedeynaya naceyb Yuhuud.

Si kastaba ha ahaatee, lahaanshaha DP World ee qaybta koonfureed ee Dekedda Jeddah ayaa muujinaya sida ay dhaqaale ahaan isugu xiran yihiin labada dal, inkastoo uu jiro khilaaf siyaasadeed.

DP World ayaa muddo dheer ahayd aalad muhiim ah oo Imaaraadku ku ballaariyo saameyntiisa Bariga Dhexe iyo Afrika. Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale ah isha ugu weyn ee maalgashi shisheeye toos ah ee Sacuudi Carabiya, isla markaana ka mid ah suuqyada ugu waaweyn ee dhoofinta Sacuudiga.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.