Duqayn ka Dhacday Magaalooyin ku Yaalla Imaaraadka Carabta Iyo Qadar

by Heemaaln
1 minutes read

Weerar diyaaradeed oo drone ah ayaa sababay dab ka kacay dhismo ku yaalla Umm Al Quwain, oo ka tirsan waqooyiga Imaaraadka Carabta.

Sida lagu sheegay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, dowladda hoose ee Umm Al Quwain ayaa qoraal ay soo saartay ku tidhi:

“Dhismo ku yaalla dowladda hoose ee Umm Al Quwain ayaa lagu duqeeyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taasoo dhalisay dab, balse dhaawac ma jiro.”

Faahfaahin dheeraad ah laga ma bixin weerarka ama dhismaha la bartilmaameedsaday.

Dhinaca kale dawlada Qatar ayaa sheegtay inay ka hortagtay mowjado labaad oo gantaalo ah oo ka imaanayay Iran kadib weerar gelinkii dambe ee maanta.

Maryam Moshiri o ka mid ah madaxda BBC, ayaa goor sii horreysay sheegtay in ay maqleen afar qarax ka dib markii ay billaabeen difaaca hawada Qatar ka dib weerarkii ugu horreeyay.

Wasaaradda Difaaca ee Qatar ayaa sheegtay in mowjadda labaad ee la qabtay “si guul leh”.

Dhanka kale wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka qatar ayaa sheegtay in haddii ay weerarada joogsadaan la heli karo waddo dublamaasiyadeed .

“Haddii ay joojiyaan weerarrada, markaas waxaan ku heli karnaa waddo aan kaga baxno diblumaasiyadda. Laakin inta dalalkeenna la weerarayo, hadda ma ahan xilligii la dhisi lahaa guddiyo,” ayuu yiri afhayeenka wasaarada arrimaah dibadda Qatar, Majed al-Ansari.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.