Tuesday, February 17, 2026

Erdogan Iyo Abay Ahmed Oo Gaaray Heshiis Ganacsi Oo Gaaraya $1-Milyan

by Heemaaln
1 minutes read

Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan ee Turkiga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Addis Ababa, kadib kulan ay yeesheen iyo munaasabad lagu saxiixay heshiisyo iskaashi.

Madaxweyne Erdoğan ayaa sheegay in kulankooda ay si qoto dheer uga wada hadleen xiriirka labada dal ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tamarta, macdanta, beeraha, isgaarsiinta iyo waxbarashada.

“Waxaan ka wada hadalnay sida aan u sii xoojin karno iskaashiga meelo badan iyo sida aan u gaari karno yoolkeenna ah in ganacsiga labada dal uu gaaro 1 bilyan oo dollar. Waxaan ku faraxsanahay inaan nahay maalgashadaha labaad ee ugu weyn Itoobiya,” ayuu yiri Madaxweyne Erdoğan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Turkiga ayaa tilmaamay in ka badan 200 oo shirkadood oo Turki ah, kuwaas oo maalgashigoodu gaarayo 2.5 bilyan oo dollar, ay gacan ka geysanayaan shaqaaleysiinta ku dhowaad 20,000 oo muwaadiniin Itoobiyaan ah, taasoo uu ku tilmaamay mid ay ku faanayaan.

Labada dhinac ayaa sidoo kale saxiixay heshiisyo lagu xoojinayo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Turkiga iyo Itoobiya.