Madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan ayaa baajiyay booqashadii uu qorsheynayay inuu 17 bishan Febraayo, ku tago dalka Imaaraadka Carabta, sabab la xiriirta madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan oo la sheegay inuu xanuusanayo oo xaalad caafimaad oo aan la sharrixin wajahayo.
Warsaxaafadeed ay sii deysay madaxtooyadda Turkiga ayaa lagu sheegay inuu Erdogan , telefoon kula hadlay dhiggiisa Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed, markaa oo la sheegay inuu u rajeeyay si degdeg ah inuu u bogsado.
Madaxweyne Erdoğan ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay xanuunka soo wajahay Madaxweyne Al Nahyan, isagoo u rajeeyey caafimaad degdeg ah iyo soo kabasho taam ah.
Sidoo kale, Madaxweyne Erdoğan ayaa shaaciyey inuu dib u dhigay booqashadii uu ku tegi lahaa dalka Imaaraadka Carabta, sabab la xiriirta xaaladda caafimaad ee MBZ, isagoo xaqiijiyey inuu booqashadaas ku tegi doono waqti kale oo ku habboon oo dib laga soo muddeyn doono.