Erdogan oo ka hadlay argtida uu ka qabo dagaalka ka socda Bariga dhexe

Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in mowqifka dalka Turkey ee ku saabsan xaaladda Iran uu yahay mid cad. Wuxuu sheegay in Turkey mar walba ay dhinaca nabadda taagan tahay, ayna doorbideyso wada-hadal iyo diblomaasiyad halkii ay ka dooran lahayd dagaal iyo colaado.

Erdoğan ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ka dhacday caasimadda Ankara oo lagu qabtay afurka bisha barakaysan ee Ramadan. Wuxuu sheegay in Turkey ay mar walba taageerto diblomaasiyadda, isla markaana aysan taageerin khilaaf iyo dagaal. Sida uu sheegay, Ankara waxay u taagan tahay nabad iyo xasillooni, ma aha qalalaase iyo fowdo, waxayna raadineysaa isu soo dhowaansho iyo wada-hadal halkii ay ka abuuri lahayd colaad.

Madaxweynaha Turkey wuxuu sheegay in dowladdiisu ay dadaal xooggan ku bixinayso sidii loo gaari lahaa xabbad-joojin ka dhacda Iran, isla markaana dib loogu bilaabi lahaa wada-hadallada. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Ankara ay si joogto ah u waddo dadaallo diblomaasiyadeed si hubka loo joojiyo oo colaadda loo qaboojiyo.

Erdoğan wuxuu sheegay in Turkey ay isku dayayso inay damiso colaadda ka hor inta aysan sii fidin, isagoo sheegay in haddii aan la joojin ay khatar ku noqon karto dalal kale oo badan oo gobolka ah. Sida uu sheegay, ujeeddada ugu weyn waa in la joojiyo dhiigga daadanaya iyo in la badbaadiyo nolosha dad badan oo ku sugan gobolka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Turkey aysan u arki karin dhibaatada iyo silica dalal kale fursad ay iyadu uga faa’iidaysato. Wuxuu tilmaamay in Ankara aysan doonaynin inay ka macaashto dhibaatooyinka dadka kale, balse ay rabto in murugada iyo oohinta ka jirta gobolka ay istaagto, isla markaana colaadaha dhammaadaan si nabad iyo xasillooni loo helo.

Dhanka kale, Erdoğan wuxuu si adag u dhaliilay dowladda Israel iyo tallaabooyinka ay qaadday. Wuxuu sheegay in xitaa qaar ka mid ah dadka Israa’iil ay hadda dhaleeceynayaan ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu, iyagoo u arka in siyaasaddiisu ay dhibaato weyn ku keentay dalka.

Xiisaddan ayaa sii korortay kadib markii United States iyo Israel ay weerarro wadajir ah ku qaadeen Iran 28-kii Febraayo. Weeraradaas ayaa sababay dhimashada in ka badan 1,300 qof, waxaana ku jiray hoggaamiyihii sare ee Iran Ali Khamenei, iyo sidoo kale in ka badan 150 gabdhood oo arday ah.

Kadib weerarradaas, Iran ayaa iyaduna qaaday weerarro jawaab ah oo ay ku isticmaashay diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo, kuwaas oo lagu beegsaday Israel iyo dalal kale oo gobolka ah sida Jordan, Iraq iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka ee martigeliya saldhigyada milatari ee Mareykanka.

Xiisadda sii kordheysa ayaa keentay walaac caalami ah, iyadoo dalal badan ay ka baqayaan in colaaddan ay isu beddesho dagaal weyn oo ku fida Bariga Dhexe. Turkey ayaa markale ku celisay inay sii wadi doonto dadaallada diblomaasiyadeed si loo helo xabbad-joojin iyo xal nabadeed.

Related posts

Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay Oo ka Digay Saamaynta Dagaalka Iran ku Yeeshay

Warbixinta:-Washinton Oo Israel Siisay Hal Todobaad si Ay u soo Afjarto Dagaalka Iran.

Iiraan Oo Oggolaatay Markab Turkiga uu Leeyahay Inuu ka Gudbo Marinka Hormuz