Erdogan Oo ku Dhawaaqay in Booqasho Deg-deg ah ku Tagayo Imaaraadka iyo Itoobiya

by Heemaal
1 minutes read

Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu booqasho deg deg ah toddobaadkan ku tagayo Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya , xilli wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan uu maata gaaray Addis Ababa halkaas oo uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, oo ay ka wada-hadleen horumarrada ka socda gobolka.

Booqashadan ayaa imaanaya maalin kaddib warbixin ay baahisay wakaaladda Reuters oo sheegtay in Itoobiya ay martigelisay saldhig qarsoodi ah oo la sheegay in ay adeegsadeen Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee Suudaan (RSF), xilli uu socdo dagaalka u dhexeeya iyaga iyo ciidanka dowladda Suudaan oo Turkiga iyo Sacuudiga ay taageerraan.

Sidoo kale, booqashooyinka mas’uuliyiinta sare ee Sacuudiga iyo Turkiga ayaa muujinaya kororka doorka labada dal ee ku aaddan arrinta Suudaan, iyadoo la dareemayo in faylka Suudaan uu noqday mid ay si dhow ula socdaan quwadaha gobolka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.