Erdogan Oo si Adag uga Hadlay Dilka Hogaamiyihii Irma Ayatollah Ali Khamenei.

by Heemaaln
1 minutes read

Madaxwayne Erdogan oo war kasoo saaray dilka Khamenei ayaa yiri:-“Waxaan aad uga murugooday inaan maqlo in hoggaamiyaha diimeed ee deriskeenna Iran, Ayatollah Ali Khamenei, uu ku geeriyooday weerarradii shalay dhacay. Ilaahay ha u naxariisto Mr. Khamenei. Waxaan tacsi u dirayaa shacabka walaalaha ah ee Iran, anigoo ku hadlaya afka Dawlada Turkiga iyo shacabkayga.

Erdogan ayaa sidoo kale cadeeyay inuu garab taagan yahay shacabka Iran, “Waxaan si adkeysi leh u sii wadi doonnaa dadaalladeenna si dhammaan saaxiibbadeenna iyo walaalaheenna ku nool gobolka ay mudan yihiin inay helaan nabadda iyo xasillooni, si loo soo afjaro jawiga colaadeed ee ka holcaya gobolkeenna, looguna noqdo waddada diblomaasiyadda.” ayuu hadalkiisii kusoo koobay

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.