Erdogan oo u sheegay Rutte iyo Merz in diblomaasiyad loo baahan yahay si loo xalliyo colaadda Iiraan

by Heemaal
1 minutes read

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, isagoo u sheegay in diblomaasiyadda la siiyo fursad si loo gaaro nabad waarta oo joogto ah Bariga Dhexe, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Turkiga.

Madaxtooyadu waxay sheegtay in intii uu socday wicitaanka laga wada hadlay ajandaha NATO, iyo sidoo kale horumarrada ka socda gobolka iyo caalamka.

Xafiisku wuxuu intaas ku daray in Erdogan uu Rutte u sheegay in Ankara si dhow ula socoto colaadda u dhaxaysa Iiraan, Israa’iil iyo Maraykanka.

Dhanka kale, Erdogan wuxuu sidoo kale wadahadallo la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, oo ku saabsan colaadda.

Sida uu xafiiskiisu sheegay, Erdogan wuxuu Merz u sheegay in colaadaha ka jira gobolka ay si taban u saameeyaan amniga gobolka iyo kan caalamka, isagoo ku celceliyay baaqiisa ah in dhinacyadu dib u bilaabaan wadaxaajoodyada.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.