54
Ergayga gaarka ah ee Mareykanka ee bariga dhexe Steve Witkoff ayaa sheegay inay suuragal tahay inuu toddobaadka soo socda booqdo Israel si ay uga wada hadlaan qorshayaasha la xiriira dagaalka Iran.
Wuxuu sidoo kale sheegay in weli la eegi doono haddii Iran ay diyaar u tahay wada hadal diblomaasiyadeed. Dhanka kale, Russia ayaa beenisay inay Iran la wadaagtay xog sirdoon oo ku saabsan ciidamada Mareykanka, arrin lagu soo hadal qaaday wada hadal dhex maray Donald Trump iyo Vladimir Putin.