Heemaal News Network

Eritrea Oo Xaalad Qatar ah ku Tilmaantay Aqoonsiga la Siiyay Somaliland

Eritrea, ayaa ku sheegtay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland — xaalad aan loo qaadan karin mid cusub , balse ujeeddada laga leeyahay ay tahay in la huriyo qalalaase khatar ah oo heer gobol iyo heer caalami ah, isla markaana la abuuro fowdo oo loo baahanyahay jawaab cad oo aan mugdi ku jirin oo ka timaadda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo dhammaan xubnihiisa.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Eritrea ayaa si gaar ah loogu soo jeediyay inay wajib ku tahay Shiinaha inuu qaato mas’uuliyaddeeda anshaxeed, iyadoo la tixgelinayo is-barbardhigga muuqda ee arrintan la leedahay qaddiyadda Taiwan.