Faahfaahin dheeraad ah: Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa Madaxda Golaha Mustaqbalka ka dalbaday in ay yimaaddaan Madaxtootada Qaranka inta lagu guda-jirey kulanka qadada, si ay halkaasi uga sii socdaan wada-hallada siyaasadeed ee DFS & Mucaaridka; “Madaxtootada cidna idin kama leh, berri baa xukumi kartaan.” Ayuu raaciyey hadalkiisa Md.Xasan, sida ay inoo sheegeen mas’uuliyiinta goobjoogga ah dhinaca mucaaridka ayaa hadalkooda ku koobay; ka-mahadcelin hadhimo-sharafeedka & soodhoweynta iyaga oo aan ka hadal tegista Madaxtooyada.
Madaxweyne Xasan, Madaxweyne Deni & Madaxweyne Madoobe ayaa weli ku jira kulan-gaar ah hotel Decale, iyada oo uu isaga baxay kulankaasi Madaxweyne hire Shariif oo ka qayb-galay, sida ay ilo ka tirsan DFS tilmaameen MD.Xasan ayaa ku adkaynaya Madaxda Puntland & Jubbaland imaanshaha Vilal-Somalia.