Fahad Yaasiin oo Somaliland uga digey in ay aqbasho in deegaannadeeda la keeno Falastiiniyiin, si ay u hesho aqoonsi: “Xanta la sheegayo haddii ay run noqoto, waxaad dhaawacaysaa magacaaga iyo taariikhdaada, lamana hubo inaad ku gaarayso danta aad leedahay. Maamulka Somaliland ha usoo jiidin mahadho aan magaceeda ka harin qarniyaal.
Haddii aad Somaliland aqoonsi u rabto, cad quureed iyo magac xumo ha usoo jiidin dadkaaga iyo Muslimiinta oo idil, adigana magacaaga ha tirtirin. Tallaabada aan ka digayo ciddii la socota unbaa fahmaysa warkayga, laakiin qofkii aanan ogayn.”

