Heemaal News Network

Fiqi oo ka Jawaabay bayaankii Mucaaradka ee ka soo Baxay Shirkii Kismaayo

Wasiirka gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa ka jawaabay War murtiyeedkii xalay ka soo baxay Golaha mustaqbalka Somalia oo ka kooban siyaasiyiinta mucaaradka DF iyo maamulada Jubbaland iyo Puntland kuwaas shir ugu dhamaaday magaalada Kismaayo.

War murtiyeedka ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xassan Shiikh inuu muddo bil gudaheed ah shir iskugu yeero saamilayda siyaasada dalka si looga wada hadlo qabashada doorasho waqtigeeda ku dhacda oo wadar ogol ah.

Wasiir Fiqi oo baaqan ka jawaabaya ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidatan

Afkii ay ku diiday ayay ku haybinayaan!

Diseember 2022-dii ayuu Saciid Deni ka cararay wadahadalkii villa Soomaaliya uga socday Golaha wadatashiga Qaranka ayadoo la leeyahay war ha naga tagin!

Oktoobar 2024-tii ayuu Axmed Madoobo ayadoo la baryayo kaga cararay villa Soomaaliya Golaha wadatashiga Qaranka ee shir guddoonka ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kooxda madasha Calaacalku 5 shir oo wadatashi iyo wadahadal ah ayuu madaxweynaha Jamhuuriyaddu kula yeeshay villa Soomaaliya, waa ku kala jabeen; qeyb ayaa qanacday, qeybtiii kale ayagoo weli loogu baaqayo in wadahadalku sii socdo ayay bartimihii sanadka 2025 xireen albaabkii wadahadalka.

Labadaas nin ee sare ku xusan iyo nimanka madasha calaacalku shir socday 3 maalmood ayay ku soo gabagabeeyeen Madaxweyne Xasanow nala shir!.

Wixii ay ka carareen, gogoshii wadahadal ee u furnayd iyo ninkii ay gogosha uga kaceen ayay sanado ka dib ka baryayaan in uu bil gudaheed shir la qaato.

Mar hore ayaan sheegnay in Meesha niman caraysan oo siyaasaddii ka xumaatay ay isugu tageen, ayaguna aan wax isku ogoleyn, cid kale aan wax u ogooleyn.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu maantay ayuu ugu baaqayay nimankaas in gogosha wadahadalka la yimaadaan wax umadda u cuntamaya!