Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay inay door ka qaadato xallinta xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in Galmudug ay “gogol u dhigayso” labada dhinac, si dib loogu soo celiyo wadahadal iyo is afgarad, isaga oo carrabka ku adkeeyay in khilaafyada siyaasadeed ay halis ku yihiin xasilloonida iyo horumarka dalka.
“Mar labaad waxaan ku baaqayaa in anaga Galmudug ahaan aan diyaar u nahay in hawlaha ka taagan Muqdisho iyo Baydhabo aan wax ka xalino,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka.
Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay maanta mareyso marxalad u baahan in la ilaaliyo midnimada iyo nabadda, islamarkaana aan loo baahnayn wax kasta oo dib u hurin kara kala fogaansho siyaasadeed.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale ugu baaqay culimada, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta inay door firfircoon ka qaataan dejinta xiisadda, isla markaana labada dhinac kusoo celiyaan miiska wadahadalka.
“Khilaafyada noocan oo kale ah waa kuwii burburiyay dowladnimadii Soomaaliya. Haddii ay sii socdaan, waxay wiiqi karaan nabadda, wanaagga iyo horumarka maanta socda,” ayuu yiri.
Cali Daahir Ciid ayaa soo dhoweeyay baaqii uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsanaa in la diyaar u yahay nabad iyo wada hadal, isaga oo sidoo kale ugu baaqay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), inuu isna kusoo laabto miiska wadahadalka.
Wuxuu sheegay in aan xal waara lagu gaari karin is-muquunin iyo cadaadis, balse loo baahan yahay in si wadajir ah looga hadlo waxyaabaha la isku hayo.
“Waxaan aaminsanahay in gogol wadahadal la isugu yimaado, lagana hadlo waxa la isku hayo, ay tahay jidka kaliya ee xal lagu gaari karo,” ayuu yiri.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ugu dambeyn xusay in aysan maanta jirin cid dibadda ka imaanaysa oo Soomaaliya u qabaneysa shirar iyo heshiisiin, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in Soomaalidu iyadu ilaaliso dowladnimadeeda, midnimadeeda iyo nabaddeeda.