Gantaalaha ay IRAN la soo baxay oo wacdaro dhigay marka la rido oo uu gaaro ISRL oo siiriga digniinta la shido ayadoo laga digay halka uu ku dhici karo ayuu gantaalka waxa uu u jiheysanayaa meel kale oo aan laga fileyn
Waa arrimaha ISRL ka naxsan tahay.

Dhinaca kale Iiraan ayaa maanta qaaday weerar gantaallo ah oo lagu beegsaday ugu yaraan 16 goobood oo ku yaalla magaalada Tel Aviv, sida uu baahiyay raadiyaha ciidanka Israel. Warbixinta raadiyaha ayaa sheegtay in weerarkan uu sababay dhaawaca ugu yaraan saddex qof, inkastoo Israel ay ku caan baxday iney qariso khasaaraha dhanta ah ee soo gaara.
Weerarkan ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa Iran iyo Israa’iil, iyadoo gantaallo dhowr ah ay ku dhaceen bartamaha magaalada Tel Aviv, oo ah xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Israa’iil. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo xooggan iyo digniino seeriyado ah oo ku baaqaya in shacabka ay galaan goobaha gabaadka.
Telefishinka Mareykanka laga leeyahay ee NBC News ayaa baahiyay muuqaal toos ah oo laga duubay magaalada Tel Aviv, kaas oo muujinaya gantaallo cirka ka soo dhacaya iyo qaraxyo ka dhacaya bartamaha magaalada. Muuqaalka ayaa sidoo kale muujinayay dab ka kacay goobaha qaar, iyadoo qiiq madow uu cirka isku shareeray.
Ciidamada gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ayaa si dhaqso ah ugu baxay goobaha ay gantaalladu ku dhaceen si ay u badbaadiyaan dadka ku dhaawacmay iyo kuwa ku xanibmay dhismayaasha. Sidoo kale, ciidamada ammaanka ayaa xiray qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada si ay u sugaan ammaanka iyo in la sahlo howlaha gurmadka.
Dhanka kale, saraakiil ka tirsan Israa’iil ayaa sheegay in nidaamyada difaaca hawada ay isku dayeen inay soo ridaan qaar ka mid ah gantaallada la soo tuuray, balse qaar ka mid ah ay u suurtagashay inay gaaraan bartilmaameedyadooda. Xiisadda ka dhalatay weerarkan ayaa sare u qaadday cabsi laga qabo in dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil uu sii ballaarto.