16
HNN: Kuwani waa sawiradii ugu dambeeyay ee laga soo qaaday deegaanka Beit Shemesh ee bartamaha Israa’iil oo dhowr gantaal lagu dhuftay.
God weyn ayaa ka sameysmay goobta uu gantaalku ku dhacay, iyadoo duqyentu ay waxyeelo u geysatay dhismayaal iyo baabuur iyo gurmadyo goobta ku sugnaa.
Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in gantaaluha ku soo dhacday buuraha Judean ee u dhow magaalada Qudus ay ku dhaawacmeen 12 qof. Saraakiisha iyo mutadawiciinta ayaa sii wada inay ka hawlgalaan goobta, waxay sidaasi ku qoreen barta X.
Wargeyska Times ee Israel ayaa sheegay in ciidamada cirka ee dalkaasi ay baaritaan ku sameyn doonaan fashilka ku yimid in lasoo rido gantaalka balaastikada ah ee saameynta ku yeeshay.
Heemaal News Network
