Golaha Mustaqbalka Somaliya Oo Ku Baaqay Gogol Wada-Tashi Qaran, Kana Horyimid Wax-ka-Beddelka Dastuurka

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u fidiyay Gogol Soomaaliyeed oo wada-tashi qaran ah, iyaga oo ku baaqay in la helo madal mideysa dhammaan saamileyda siyaasadda iyo bulshada rayidka si looga arrinsado xaaladda dalka.

Golaha ayaa si cad u qaadacay wax-ka-beddelka lagu sameynayo Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah, iyaga oo ku dooday in isbeddel kasta oo dastuur lagu sameeyo uu u baahan yahay hannaan loo dhan yahay, wadatashi qaran iyo heshiis siyaasadeed oo ballaaran.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dalbaday in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka Dowlad Goboleedyada kala ah Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle, iyaga oo ku adkeeyay in dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashooyinku uu dhaawacayo kalsoonida shacabka iyo hannaanka dimuqraadiyadda.

Golaha ayaa tilmaamay in gogosha wada-tashiga qaran ay fure u tahay xasilloonida siyaasadeed, midnimada dalka iyo dhismaha dowladnimo waarta, iyaga oo ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada in ay ka soo qeybgalaan gogoshaasi si mas’uuliyad leh.

Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa carrabka ku adkeeyay in danaha qaranka, midnimada iyo ilaalinta dastuurka ay ka horreeyaan dan kasta oo gaar ah, iyaga oo muujiyay in waqtigu u baahan yahay go’aanno geesinimo leh oo lagu badbaadinayo mustaqbalka dalka.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan