Saturday, February 14, 2026

Guardiola: Waan Ku Neefsan Doonaa Qoorta Arsenal

by Heemaal
1 minutes read

Pep Guardiola ayaa ballan qaaday in kooxdiisa Manchester City ay “ku neefsan doonto qoorta Arsenal” iyaga oo doonaya inay daba galaan hoggaamiyeyaasha Premier League tartankan horyaalka ee xiisaha leh.

City-na sidaas ayay sameynayaan.

Waxay xoojiyeen guushii cajiibka ahayd ee ay ka gaareen Liverpool Axaddii, iyaga oo si buuxda u kala diray Fulham qeybtii hore ee ciyaarta habeenkii Arbacada.

Ragga Guardiola ayaa bilaabay inay helaan dardar, waxayna hadda ka dambeeyaan Gunners-ka saddex dhibcood oo keliya, iyadoo loollan xiiso leh uu ka dhex qarxayo labada kooxood ee ugu sarreeya jadwalka.

Kooxda Mikel Arteta ayaa u safreysa Brentford Khamiista, iyagoo rajeynaya inay dib u helaan farqigii lixda dhibcood ahaa, balse waxay kulanka galayaan cadaadis, iyagoo og in City shaqadoodii si qurux badan u gudatay.

Si kastaba ha ahaatee, Guardiola ma uusan dooneyn inuu ka hadlo loollanka horyaalka marxaladdan xilli ciyaareedka, isagoo yiri: “Ma aanan ahayn kuwo sagaal dhibcood ka dambeeya ka hor Anfield, mana nihin saddex dhibcood kuwa ka dambeeya ka hor Brentford iyo Arsenal. Intaas ka dib waan arki doonaa, isaga oo odhaahdan maldahan ula jeeda in ay soo koobeen farqigii u dhaxeeyey Arsinal ayna dhaafi doonaan.

“Mar walba waxaan iraahdaa diiradda waa inaan kobocnaa, kobocnaa, kobocnaa. Waa sida aan u noqon karno kuwo joogto ah 90-ka daqiiqo, sida aan u wanaajin karno, ciyaartoyduna ay dareemaan inay sameynayaan waxa aan rabno inay sameeyaan.

“Waan sameyn karnaa marka la eego maskaxda iyo qaababka difaaca iyo weerarka. Taas ayaanna sameyneynaa.”