Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ku Dhawaaqay Muddo kordhin hal Sano ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ku dhawaaqay in muddo hal sano ah lagu kordhiyay xil-haynta hay’adaha dowladda, kadib markii la meel mariyay dastuur cusub oo dhigaya in muddo-xileedka hay’adaha dowladda uu noqdo shan sano.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in baarlamaanka iyo hay’adaha kale ee dowladda ay shaqeyn doonaan muddada uu tilmaamayo dastuurka cusub, isla markaana aan lagu dhaqmi doonin dastuurkii ku-meelgaarka ahaa ee hore.

‘’Baarlamaanka wuxuu shaqayn doonaa inta dastuurka uu tilmaamay. Dastuurka kan hadda la ansixiyay inta uu tilmaamay buu baarlamanku joogi doonaa, Kii KMG ma aha yaah, Dastuurka rasmiga ah inta uu tilmaamay ayuu baarlamanka shaqeyn doonaa iyo hay’adaha dastuuriga ah’’ ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe.

Aadan Madoobe ayaa sidoo kale ugu baaqay xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka inay dib ugu soo laabtaan kulamada golaha, si loo sii wado shaqooyinka sharci-dejinta ee harsan inta lagu jiro muddada uu sheegay in dastuurka cusub oggolaanayo.

‘’Kalfadhiyada noo harsan Insha Allaah shuruuc badan oo laga gaari waayay iyo waxyaabo badan oo dowlad dhiska kamid ah fadhiyada noo harsan samayn doonaa, xoogaa fursad ah ayaan siinaynaa xildhibaanada, fasaxa waan u dheeraynaynaa si si ay cibaadada usoo gutaan, Xildhibaanadii la ganaaxayna waxay lamid yihiin xildhibaanada kale… imaada ganaaxiini waa dhammaaday’’ ayuu hadalkiisa raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa dhalisay muran siyaasadeed, Qaar ka mid ah mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda inay u adeegsanayso wax-ka-beddelka dastuurka sidii ay muddo ugu kordhin lahayd xil-haynteeda.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in mucaaradku hore u tuhmayeen in ujeeddada ugu weyn ee ka dambeysa beddelka dastuurka ay tahay muddo-kordhin hal sano ah. Wuxuu sidoo kale dhaliilay xilliga lagu dhawaaqay go’aankaas, isagoo xusay in dalka uu wajahayo abaar iyo xaalado adag oo bani’aadamnimo.

Related posts

Iran:-“Haddii ay Dalalka Yurub ku Biiraan dDagaalka, waxay Noqonayaan Bartilmaameedyo Sharci ah.”

Turkiga Oo Beenisay Warar Sheegaya In Hay’adda Sirdoonka M16 ka Codsatay Ilaalinta Madaxwaynaha Suuriya.

Dowlada Qatar Oo si Kulul Uga Hadashay Weerarada Iran ku Qaaday Saldhigyada Ciidamada Badda Ee Bahrein.