HS: Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa shaaca ka qaaday fariintii uu siiyay ciyaartoydiisa qeybtii nasashada taasoo sababtay in ay si xoog leh u burburiyaan Newcastle kulankii ay wada ciyaareen. Qeybtii hore ee ciyaarta Barcelona ma aysan ahayn sidii laga filayay, waxaana muuqday in kooxda ay u baahan tahay isbeddel dhanka firfircoonida iyo abaabulka.
Markii la gaaray nasashada, Flick ayaa si cad ugu sheegay ciyaartoydiisa in ay kordhiyaan xawaaraha ciyaarta, cadaadis joogto ahna saaraan kooxda Newcastle, isla markaana ay si fiican uga faa’iidaystaan fursadaha weerarka. Wuxuu sidoo kale ku booriyay in ay si wadajir ah u ciyaaraan oo ay muujiyaan tayada ay leeyihiin.
Natiijada fariintaas ayaa si degdeg ah loo arkay qeybtii labaad, iyadoo FC Barcelona ay si buuxda ula wareegtay ciyaarta, weerarro isdaba joog ahna ku qaaday Newcastle United. Kooxda ayaa dhalisay goolal badan, waxayna muujisay awooddooda weerar iyo isku xirnaanta ciyaarta, taasoo keentay guul weyn oo ay gaaraan.
Flick ayaa sheegay in furaha guusha uu ahaa isbedelka maskaxda iyo dadaalka ciyaartoyda, isagoo ku ammaanay sida ay u fuliyeen tilmaamihiisa, taasoo ugu dambeyn keentay in Barcelona si buuxda u maamusho ciyaarta qeybtii labaad.
Heemaal Sport.