Hay’adda duulista rayidka Malawi Oo Iskaashi u soo Bandhigtay Dhigeeda Somaliya

by Heemaaln
1 minutes read

Hay’adda duulista rayidka Malawi, ayaa usoo bandhigtay iskaashi hay’adda duulista rayidka Soomaaliya, kaddib markii dhawaan la joojiyay inay wax duulimaadyo ah sameeyaan gudaha Soomaaliya , tiro diyaarado ka diiwaangashanaa Malawi oo shaqada looga joojiyay arrimo la xiriira badqabka duulimaadyada ay ka sameeyaan gudaha Soomaaliya, iyadoo hadda la sheegay iskaashigan inuu fududeynayo in la xaqiijiyo dukumiintiyada ay adeegsadaan diyaaradaha sheega inay ka diiwaangashanyihiin Malawi , sidoo kalena hannaanka diiwaangalinta iyo badqabka la waafajiyo shuruuda caalamiga ah iyo kan ay ku shaqeynayso hay’adda duulista rayidka Soomaaliya , sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho oo ay diyaaradahan adeegsadaan.

Isla ilahan ayaa xaqiijiyay inay hay’adda duulista Malawi, muddooyinkii u dambeeya ka war wareegaysay inay ka soo jawaabto farriimaha uga imaanayay Soomaaliya , si loo xaqiijiyo diyaaradaha ay diiwaan geliyeen ,illaa marka ay go’aamada soo baxeen ay soo bandhigeen in la billaabo hannaan wada shaqeyn, tallaabadaa oo meesha ka saaraysa inay Malawi bixiso shatiyada diyaarad aan la xaqiijin badqabkeeda ka hor inta aysan Soomaaliya ka howlgalin.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.