Heemaal Falanqayn: Labbo wajiila nimada USA ee sirdoonka dagaalka “Raashiya Vs USA”

Dagaalka casriga ah ee Bariga Dhexe iyo sirdoonka caalamiga ah ayaa mar kale muujinaya isbarbardhig xiiso leh oo ku saabsan sida awoodaha waaweyn u wajahaan taageero iyo caawimaad militari. Taariikhda dhow, Mareykanku wuxuu si toos ah ama si dadban u taageeray Ukraine oo dagaal kula jirta Ruushka, isagoo siinaya sirdoon, tababar, iyo qalab militari. Taageeradan waxaa ka mid ahayd xog sirdoon oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa ciidanka Ruushka, taas oo gacan ka geysatay in Ukraine ay qorshayaal militari si wanaagsan u fuliso. Ruushku ma muujin cabasho cad oo caalami ah oo ku saabsan taageeradan, inkastoo uu gudaha ka muujiyay dhaleeceyn iyo caro, sababtoo ah Ruushku wuxuu ku jiray xaalad difaac ah, halka Mareykanku uu awood u lahaa inuu taageero siiyo dalkiisa saaxiibka la ah.

Haddaba, xaaladda hadda jirta waxay ka duwan tahay. Mareykanku wuxuu ka cabanayaa warar sheegaya in Russia ay u gudbisay Iran xog sirdoon oo ku saabsan ciidamada Mareykanka iyo saldhigyadooda ee Bariga Dhexe, taas oo u suurta gelinaysa Iran inay si hufan u beegsato iyo weeraro gantaallo iyo drones ku qaado. Mareykanku wuxuu arrintan u arkaa mid khatar weyn ku ah ammaankiisa, waxaana si cad loo sheegay in haddii arrintan ay dhacdo, tallaabo adag oo milatari iyo siyaasadeed la qaadi doono.

Falanqeynta labada xaaladood ayaa muujineysa isbarbardhig xiiso leh. Marka Mareykanku uu taageero siiyo cadowga Ruushka, Maraykanku wuxuu isku arkaa in uu saxsanyahay. Ruushku kama cawdo ama kama jawaabo si xoog leh, inkastoo ay gudaha ka muujin karaan dhaleeceyn. Laakiin marka Ruushku taageero siiyo cadowga Mareykanka, sida Iran, waxaa si muuqata oo cad looga cabanayaa. Taas ayaa muujinaysa laba wajiilaha ah ee siyaasadda caalamiga ah: awooda la bixiyo waa la aqbalaa, laakiin haddii cadowgaaga lagaa caawiyo, waxaa arrintu noqoneysaa dhibaato.

Sidoo kale, tani waxay iftiimineysaa sida sirdoonka iyo xogta ay u noqdeen hub muhiim ah dagaallada casriga ah. Ma aha oo kaliya hubka caadiga ah ee gantaallada iyo diyaaradaha, laakiin xogta sirta ah ayaa hadda saameyn toos ah ku leh qorshayaasha militari, hawlgallada gaarka ah, iyo go’aamada siyaasadeed ee dalalka waaweyn. Mareykanku wuxuu si joogto ah u ilaaliyaa xogtiisa, isagoo adeegsanaya nidaamyo sirdoon oo horumarsan, waxaana diyaar u ah inuu tallaabo ka qaado haddii caawimo aan la rabin laga helo wadamo kale.

Guud ahaan, dhacdooyinkan waxay muujinayaan in dagaalada casriga ah ay yihiin kuwo ka dhisan xog, sirdoon, iyo saameyn siyaasadeed, isla markaana awoodaha waaweyn ay mararka qaar qaataan laba wajiilanimo, marka la siiyo taageero ama aad bixiso waa sax, laakiin marka la caawiyo ka kaasoo horjeeda adiga, waxay arrintu noqoneysaa khatar la caban karo. Dagaalkan, oo hadda u dhexeeya Mareykanka, Israel, Iran, iyo qaybaha kale ee gobolka, ayaa caddeyn u ah sida sirdoonku u noqday hub la mid ah hubka caadiga ah, isla markaana uu saameyn weyn ku leeyahay mustaqbalka amniga iyo siyaasadda Bariga Dhexe.

Related posts

Isbarbardhigga u dhexeeya dhalashada Nabi Maxamed iyo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ma aha oo kaliya mid aan sax ahayn balse sidoo kale waa mid si buuxda u khaldan

Boorama: Milicsi Ku Saabsan Taariikhdeeda Hodanka ah Qore: Cabdulkarim Sayed Sadiq

*Borama: A Glimpse into Its Rich History* By Abdulkarim Sayed Sadiq. Feb 28.2026