Hezbollah ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday Israel

by Heemaal
1 minutes read

Kooxda ka dhisan Lebanon ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay saldhig Israa’iili ah oo ku yaalla Haifa, iyagoo ku sheegay in uu ahaa aargoosi la xiriira dilka hoggaamiyaha Iiraan, Ali Khamenei, isla markaana “difaac u ah Lubnaan iyo shacabkeeda, kana jawaabaya gardarrooyinka soo noqnoqday ee Israa’iil”.

“ Hoggaanka iska caabinta mar walba wuxuu caddeeyay in sii socoshada gardarrada Israa’iil iyo dilalka lagu beegsanayo hoggaamiyayaasheenna, dhallinyaradeenna iyo shacabkeenna ay na siinayso xaq aan isku difaacno kuna jawaabno waqtiga iyo goobta ku habboon,” ayay kooxdu ku tiri bayaan.

“Cadowga Israa’iil ma sii wadi karo gardarradiisa 15-ka bilood socotay iyadoo aan la kulmin jawaab digniin ah oo lagu joojinayo weerarradaas laguna qasbayo inay ka baxaan dhulalka Lubnaan ee ay qabsadeen.”

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.