Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam, ayaa sheegay inuusan aqbali doonin in qofna uu Lubnaan ku jiido “khataro halis gelinaya ammaankeeda iyo midnimadeeda,” taas oo si dadban fariin ugu ahayd Hezbollah.
Madaxtooyada Lubnaan ayaa Sabtidii sheegtay in safiirka Maraykanka uu u sheegay in Israel uusan kordhin doonin weerarrada ka dhanka ah Lubnaan inta aysan jirin falal colaadeed oo ka imanaya dhinaca Lubnaan, kadib markii Maraykanka iyo Israel ay weerarro ku qaadeen Iran.
Hezbollah, oo muddo dheer ka mid ahayd xulafada ugu waaweyn ee Tehran ee Bariga Dhexe, ayaa muujisay garab istaag ay la leedahay Iran, balse ma aysan caddeyn inay si toos ah ugu biiri doonto dagaal kasta oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iran.
Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in tallaabooyinka Maraykanka iyo Israel ay “saameyn doonaan qof walba haddii aan laga hortagin.” Waxay kaloo tiri: “Waxaan ku kalsoonahay in cadowga Maraykanka iyo Israel uu la kulmi doono jug weyn.”
Israel ayaa uga digtay Beirut inay si xooggan u garaaci doonto Lubnaan, ayna beegsan doonto kaabayaasha rayidka sida garoonka diyaaradaha, haddii Hezbollah ay ku lug yeelato dagaal kasta oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iran.
Xafiiska madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun, ayaa sheegay inuu farriintaas ka helay safiirka Maraykanka, Michel Issa. Safaaradda Maraykanka ee Lubnaan si degdeg ah uga jawaabin codsi faallo ah.
Sidoo kale, xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, wax faallo ah kama bixin arrinta.
Hezbollah ayaa dagaallo badan la gashay Israel tan iyo markii ay aasaaseen Ilaalada Kacaanka Iiraan 1982-kii, balse si weyn ayay u daciiftay kadib dagaalkii 2024, markaas oo hoggaamiyahoodii Hassan Nasrallah la dilay.
Ra’iisul Wasaare Nawaf Salam ayaa ku baaqay in dhammaan reer Lubnaan ay muujiyaan “xigmad iyo waddaniyad,” isla markaana ay mudnaanta koowaad siiyaan danaha Lubnaan iyo shacabkeeda, xilli uu ku tilmaamay xaaladda gobolka mid leh “horumarro halis ah.”