Hezbollah oo ku amaratay shacabka Yuhuudu in ay ka baxaan deegaannada waqooyiga Israa’iil

by Heemaal
1 minutes read

Kooxda Hezbollah ayaa soo saartay digniin ku qoran afka Cibraaniga, taas oo ku amraysa dadka deggan waqooyiga Israel inay ka baxaan dhammaan deegaannada ku yaalla 5 kiiloomitir gudaha xadka ay la wadaagto Lebanon.

Bayaan ay soo saartay kooxda ayaa lagu sheegay in weerarrada ciidanka Israa’iil ku hayaan madaxbannaanida Lubnaan iyo dadka rayidka ah, sidoo kale burburinta kaabayaasha iyo barakicinta dadka ku nool Lubnaan, aanay noqonayn jawaab la’aan.

Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa Khamiistii sheegtay in 123 qof ay ku dhinteen halka 683 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha Israa’iil ee dalka, oo ay ku jirto caasimadda Beirut, tan iyo maalintii Isniinta.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.