Hoggaamiyaha Iran oo sheegay inaysan ka Dambayn Weerar lagu Qaaday Cumaan iyo Turkiga

Mojtaba Khamenei ayaa ka hadlay arimaha dalalka deriska la ah Iran, wuxuu sheegay in Iran ay u aragto deriskeeda bari kuwo “aad ugu dhow” – isagoo farta ku fiiqay Pakistan inay tahay dal “si gaar ah uu u jeclaa” aabihiis.

Khamenei wuxuu codsaday xiriir wanaagsan oo dhex mara Pakistan iyo Afghanistan, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay “inuu qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” dhankiisa.

Isagoo tixraacaya weeraradii lagu qaaday dalalkan deriska ah intii uu dagaalku socday, wuxuu ku sheegtay in “weerarradii lagu qaaday Turkiga iyo Cumaan, oo labaduba xiriir wanaagsan nala leh, kuwaas oo lala beegsaday qaybo ka mid ah dalalkaas, aysan marnaba fulin ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo ciidamada kale ee Isbahaysiga Iska caabinta”

Mawduucan, wuxuu ku eedeeyay Israa’iil inay adeegsanayso “dhagar” ay ku dhex dhigayso Iran iyo deriskeeda.

Tani waxay ka dhigan tahay farqi weyn marka loo eego fariimihii Nowruz ee uu jeedin jiray aabihiis, Ayatollah Ali Khamenei, kaas oo dhaqan ahaan fariinta ka jeedin jiray kamarada horteeda.

Mojtaba Khamenei, oo loo doortay inuu beddelo aabihiis horraantii bishan, ayaan weli loo arkin si fool-ka-fool ah -, sidoo kalena lama duubin ama lama sawirin tan iyo markii la doortay. Ilaa hadda dhowr fariimood oo qoraal ah oo isaga ka timid ayaa waxaa baahiyay warbaahinta Iran.

Related posts

Dhaqaalaha dalka Qatar Oo Hoos u Dhac ku yimid dhawaad 9%.

Sri Lanka Oo Maraykanka ka Diiday Inuu Isticmaalo Garoonka Caalamiga ah ee Mattala Rajapaksa.

Dowlada Ingiriiska oo Oggolaatay in Maraykanku Isticmaalo Saldhiga Bariga dhexe Uu ku Leeyahay