Hoggaamiyaha sare ee Iiraan Mojtaba Khamenei oo Qoraal soo Saaray

Hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya dalka Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa soo saaray farriin qoraal ah oo ku saabsan munaasabadda sannadka cusub ee Faarisiyiinta ee Nowruz, taas oo laga akhriyey telefishinka qaranka.

Farriintiisa oo ka kooban sagaal bog, waxaa sidoo kale baahiyey qaar ka mid ah warbaahinta dalka Iran. Farriintaas dhexdeeda, wuxuu ku sheegay in dalka Iran uu soo maray saddex dagaal sannadkan gudihiisa: mid uu la galay Israa’iil bishii Juun, dagaalka hadda socda, iyo dagaalka saddexaad oo ah dibadbaxyada dhimashada dhalay ee ka dhanka ah nidaamka kuwaas oo billowday dabayaaqadii bishii Diseembar ee sannadkii hore.

Wuxuu ammaanay dadkii ka qayb qaatay isu-soo-baxyada lagu taageerayay nidaamka, wuxuuna dadka ka codsaday inay xusaan munaasabadda Nowruz iyadoo la tixgelinayo in aabihiis, Ayatollah Ali Khamenei, dhowaan lagu dilay dagaalka.

Hoggaamiyaha Sare wuxuu ku tilmaamay dhimashadii aabihiis ee dhacday 28-kii Febraayo inay tahay “musiibo shahiidnimo” oo ku timid “hoggaamiyihii la jeclaa”. Khamenei wuxuu sidoo kale soo saaray halkudhigga sannadkan, kaas oo ah: “Adkaysi dhaqaale, Midnimada Qaranka iyo Amniga Qaranka.

Related posts

Hoggaamiyaha Iran oo sheegay inaysan ka Dambayn Weerar lagu Qaaday Cumaan iyo Turkiga

Somaliland oo ka Hadashay Xeer Muhiim u ah Oo la Horgeeyey Baarlamanka Maraykanka

Mareykanka oo Kumanaan Ciidamo dheeraad ah u Diraya Bariga Dhexe