Heemaal News Network

Hogaamiyeyaasha Qabiilada Carabta Suuriya Oo Wacad ku Maray Inay ka Difaacayaan Kurdiyiinta

Hoggaamiyeyaasha qabiilooyinka Carabta Suuriya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka hortagaan ciidanka Kurdida ee SDF oo duullaan ku qaaday saldhigyada ciidanka dawladda Suuriya ee magaalada Xalab, iyagoo ku eedeynaya inay weerarro ku hayaan rayidka magaalada Xalab, isla markaana ballanqaadaya daacadnimo ay u hayaan dawladda Suuriya.

“Waxaan ku dhawaaqeynaa diyaar garowgeenna iyo rabitaankeenna inaan garab istaagno dowladdeenna si loo joojiyo gardarrada loona jebiyo maleeshiyaadka argagixisada ah ee SDF.

Waxaan diyaar u nahay inaan nafteena iyo nafsaddeenna u hurno… ilaa ay dawladda Suuriya si buuxda ula wareegto gacan-ku-haynta dhammaan dhulka Suuriya.”