Lix askari oo Mareykan ah ayaa lagu dilay weerar ay Iran ku qaadday xarun milatari oo ku taalla Kuwait maalintii Axadda, sida uu xaqiijiyay Maraykanku
US Central Command ayaa markii hore sheegtay in saddex askari ay ku dhinteen dhacdada, balse mas’uuliyiin ayaa Isniintii xaqiijiyay in tirada dhimashadu labanlaabantay, kadib markii hal qof uu u dhintay dhaawacyadiisa isla markaana laba mayd oo kale laga helay burburka hoostiisa.
Xoghayaha Difaaca, Pete Hegseth, ayaa xaqiijiyay in bakhaar milatari oo Mareykan ah oo ku yaalla Kuwait la garaacay markii weerar aargoosi ah oo ay Iran soo qaaday uu ka baxsaday difaacyadii cirka. “Mararka qaarkood mid baa kaa dhex bixi kara,” ayuu ku yidhi shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii.
Lixda dhimasho waa kuwa keliya ee ay xaqiijiyeen milatariga Mareykanka tan iyo markii ay bilaabeen dagaal cusub oo ka dhan ah Iran iyaga oo kaashanaya Israel.
Shirka jaraa’id, Hegseth wuxuu sheegay in “hub awood badan leh” uu ku dhacay “xarun hawlgallo istiraatiiji ah oo si adag loo adkeeyay,” isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobta saxda ah.
Saddex mas’uul oo ka tirsan milatariga Mareykanka oo si toos ah ula socday weerarka Iran ayaa u sheegay CBS News oo bahwadaag la ah BBC-da in askarta lagu dilay Kuwait ay ku dhaceen weerar loo malaynayo inuu ahaa mid diyaarado aan duuliye lahayn (drone). Waxay ka shaqaynayeen xafiis ku-meel-gaadh ah.
Waxay su’aal ka keeneen in dhismaha si ku filan loo adkeeyay, iyagoo u sheegay CBS News in gaari jiidmo (trailer) ah loo isticmaalayay xafiis ahaan, iyadoo lagu hareereeyay derbiyo shub ah oo bir lagu xoojiyay oo dhererkoodu yahay 3.7 mitir si gaashaan u noqdaan.
Mareykanka iyo Kuwait waxay leeyihiin xiriir difaac oo soo jireen ah, waxaana in ka badan 13,000 askari oo Mareykan ah ay ku sugan yihiin dalkan Khaliijka ku yaalla.
Iran ayaa uga jawaabtay weerarrada lagu qaaday iyada iyadoo gantaallo ku ridday dalalka Khaliijka ee xulafada la ah Mareykanka. Bahrain, United Arab Emirates, Saudi Arabia, Oman iyo Qatar dhammaantood waxay la kulmeen weerarro.
Dhanka kale gudaha Kuwait, Mareykanka ayaa xaqiijiyay in saddex diyaaradood oo dagaal la soo riday kadib waxa uu ku tilmaamay dhacdo “rasaas saaxiibtinimo” ah Isniintii.
Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinayay diyaaradaha oo ku dhacaya dhulka iyagoo wareegaya. Duuliyeyaashii ku lugta lahaa dhammaantood way ka boodeen diyaaradaha waxayna ka badbaadeen dhacdada.
Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in milatariga Iran ay soo rideen diyaaradaha, iyagoo aan soo bandhigin wax caddeyn ah.