IGAD oo War soo saartay Burburkii Shirkii Dawlada & Mucaaradka

by Heemaaln
1 minutes read

Ururka IGAD ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo wadahadallada u dhexeeya dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in xal kasta uu noqdo mid ay hoggaaminayaan Soomaalida laftoodu.

Bayaan kasoo baxay (IGAD) ayaa lagu sheegay in ururku si dhow ula socday wadahadalladii u dambeeyay ee dhex maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. IGAD waxay ku tilmaantay wada-xaajoodyadaas tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo kalsooni siyaasadeed iyo jawi wadatashi.

Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Workneh Gebeyehu, ayaa qiray dadaallada la sameeyay ilaa hadda, inkastoo aanu heshiis kama dambeys ah kasoo bixin kulamadii dhacay. Wuxuu ku baaqay in dhinacyadu muujiyaan dabacsanaan iyo daacadnimo si loo xalliyo qodobbada wali la isku hayo.

IGAD ayaa sidoo kale xasuusisay doorkeeda taariikhiga ah ee ku aaddan nabad-dhiska iyo dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan marxaladihii kala duwanaa ee geeddi-socodka siyaasadeed iyo heshiisyadii lagu dhisay hay’adaha dowladda. Ururku wuxuu caddeeyay in uu weli ka go’an yahay taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni siyaasadeed oo faa’iido u leh shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Sida lagu sheegay bayaanka, IGAD waxay sii wadi doontaa la socodka xaaladda, iyadoo diyaar u ah inay bixiso taageero farsamo iyo mid diblomaasiyadeed haddii loo baahdo, balse ay adkaynayso in xal kasta uu noqdo mid gudaha laga hoggaamiyo.

Baaqa IGAD ayaa imaanaya xilli ay taagan yihiin arrimo siyaasadeed oo u baahan isu-tanaasul iyo wadahadal joogto ah, si looga fogaado kala fogaansho siyaasadeed oo dib u dhigta horumarka dalka.

HOOS KA DAALACO WAR SAXAAFADEEDKA IGAD

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.