Igor Tudor ayaa oggolaaday inuu la wareego kooxda Tottenham Hotspur inta ka dhiman xilli-ciyaareedka, haddaba maxay taageerayaashu ka filan karaan kooxdiisa?
Ka dib magacaabistiisa ku meel gaarka ah ee tababaraha, ciyaarta ugu horreysa ee uu hoggaaminayo Tudor waxay noqon doontaa mid aad muhiim u ah, maadaama Spurs ay martigelin doonto deriska Waqooyiga London ee Arsenal kulan ka tirsan Premier League 22-ka Febraayo.
Taasi waxay siinaysaa 47-jirkan wax ka yar toddobaad si uu isku dayo inuu dhaqan geliyo qaabkiisa ciyaareed marka ciyaartoydu ku soo laabtaan tababarka Isniinta — waxaana laga yaabaa inay la kulmaan wax lala yaabo.
“Qaabkiisu waa mid aad u daran,” ayuu yiri George Boxall, oo ah wariye kubadda cagta ka howlgala Marseille, halkaas oo Tudor maamulayay intii u dhaxaysay 2022 iyo 2023.
“Ciyaartoydu si xad dhaaf ah ayay u ordaan. Waxaa jira xawaare iyo cadaadis (pressing) badan.
“Waa qof leh shakhsiyad adag, wuxuuna noqon karaa doorasho wanaagsan oo Tottenham ah haddii ay dareemaan inay u baahan yihiin ‘koronto’ kicin ah.”
“Haddii aadan ordi karin, ma ciyaareysid”
Tudor shaqo la’aan ayuu ahaa tan iyo markii laga eryay Juventus bishii Oktoobar 2025, wuxuuna bilaabi doonaa waayihiisii ugu horreeyay ee England, kaddib markii uu horey u soo maamulay kooxo ka kala dhisan Talyaaniga, Faransiiska, Turkiga, Croatia iyo Giriigga.
Shaqadiisa ugu horreysa waa inuu dejiyo cabsida Tottenham ee ku saabsan inay u dhacaan heerka hoose, kaddib guuldarro 2-1 ah oo ka soo gaartay Newcastle United ciyaartii ugu dambeysay ee Thomas Frank Talaadadii, taasoo ka dhigtay inay shan dhibcood oo keliya ka sarreeyaan saddexda ugu hooseeya.
Intii uu ahaa ciyaaryahan, Tudor wuxuu caan ku ahaa daafac adag oo aan kaftan aqoon, isagoo u saftay Croatia 55 kulan isla markaana in ka badan 150 kulan u ciyaaray kooxda waaweyn ee Juventus. Waxaa jira hal qodob oo aan laga wada xaajoon karin marka uu noqdo tababare.
“Wuxuu ka dalbaa ciyaartoydiisa inay si badan u ordaan. Wareysi hore ayuu ku yiri: ‘Haddii aadan ordi karin, ma ciyaareysid,’” ayuu yiri wariyaha L’Equipe, Pierre-Etienne Minonzio.
Xilli ciyaareedkiisii keliya ee Marseille, qaab ciyaareedku mar walba wuxuu ahaa 3-5-2, waana mid xiiso leh in la daawado.
“Ma ahayn wax sahlan sababtoo ah ciyaaryahanka ugu fiican Marseille wuxuu ahaa Dimitri Payet ciyaaryahan hibo badan leh balse aan caan ku ahayn orod badan, sidaas darteed ma uusan ciyaarin.
“Waxay noqotay kaftan L’Equipe dhexdeeda haddii Igor Tudor uu haysto Lionel Messi, Messi ma ciyaari lahayn!”
Xilli ciyaareedkiisii Faransiiska, Marseille waxay ku dhammaatay kaalinta saddexaad iyagoo ka dambeeyay Paris St-Germain iyo Lens, inkastoo ay heleen dhibco ka badan kuwii ay heleen xilli ciyaareedkii hore markii ay ku dhammaadeen kaalinta labaad.
“Si fiican ayuu uga shaqeeyay Ligue 1. Waxa aan jeclahay waa inuusan isku dayin in la jeclaado. Waa qof toos ah, waxa uu u maleynayo ayuu sheegaa, mana isku dayo inuu dadka soo jiito.
“Isla sidaas ayuu ula dhaqmaa ciyaartoyda. Wuu ka fogaadaa, wuxuuna ku mashquulsan yahay inuu tababarka ka dhigo mid aad u daran oo orod badan leh si ay jir ahaan ugu diyaar garoobaan ciyaarta.”
Maxay uga shaqeyn weyday Juventus sheekadiisani?
Tudor wuxuu ku guuleystay laba horyaal oo isku xiga oo Serie A ah Juventus xilli ciyaareedyadii 2001-02 iyo 2002-03, sidoo kale wuxuu bilaabay finalkii Champions League 2003, oo ay guuldarro kala kulmeen AC Milan.
Ka dib markii uu xirfaddiisa tababarenimo ka bilaabay Hajduk Split, wuxuu soo maray Galatasaray, Udinese, Marseille iyo Lazio, ka hor inta uusan bishii Maarso 2025 bedelin Thiago Motta oo uu kala wareegay Juventus.
Markii hore si ku meel gaar ah ayaa loo magacaabay, balse markii uu Juventus ku hoggaamiyay inay ku dhammaadaan kaalinta afraad ee Serie A isla markaana ay u soo baxaan Champions League, waxaa loo dhiibay shaqada si rasmi ah.
“Tudor waa tababare weerar iyo dagaal badan leh, taas ayaana ah waxa uu ka dalbado kooxdiisa,” ayuu yiri wariyaha kubadda cagta Talyaaniga Daniele Verri.
“Cadaadis badan (pressing). Marka uu kubadda helo si toos ah ayuu weerar u qaadaa. Wuxuu jecel yahay daafacyo waaweyn oo xooggan. Wuxuu ku ciyaaraa baalasha. Laakiin astaanta ugu weyn waa gardarro iyo dagaal badan.”
“Juventus waxay u keeneen sababtoo ah waa ciyaaryahan hore, waxayna doonayeen DNA-da Juventus qof taageerayaashu ku aqoonsan karaan taariikhdiisa, dagaal badan, weerar toos ah iyo dadaal joogto ah.”