Turkiga Oo u Yeertay Safiirkii Tahraan Markii Iran Weerartay Maanta Gudaha Turkiga.

by Heemaaln
1 minutes read

Wargeyska Wall Street Journal ayaa waxyar ka hor ku warramay gantaal ay Iiraan, maanta ku weerartay gudaha Turkiga inuu ku socday saldhigga Incirlik ee Turkiga, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka, iyadoo warbixintan ay sheegtay markab dagaal oo ka tirsan ciidanka badda Mareykanka inuu soo riday gantaalka.

Balse, jawaabta hadalkan waxay noqotay inay Iiraan weerartay gudaha Turkiga, taa oo dhalisay in Turkiga uu u yeero safiirka Iiraan, si uu ugu soo jeediyo joojinta weerarrada dhulkiisa.

Laakin waa maxay farriinta weerarkan ku jirtay?

Iiraan waxay gantaalkan ku weerartay gudaha Turkiga , maalin ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan uu ku eedeyay Iiraan inay dagaalka u rogayso mid gobolleed , isagoo markaa ku dhaliilaya weerarrada ay ka geysanayso dalalka khaliijka.

Aragtidayda Iiraan waxay weerarkan u fulisay si maskaxda Turkiga looga saaro inuu isku muujiyo awood gobolleed, taa beddelkeeda Turkiga hadda waa inuu Iiraan kala hadlaa arrimihiisa gudaha oo meesha ka saara ka hadalka wax ka dhacaya meel ka fog xadduudkiisa.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.