Iiraan Oo ka Hadashay Miinooyiin lagu Eedeeyay inay Dhigtay Marinka Hurmuz

Wasiirka ku-xigeenka arrimaha dibadda Majid Takht-Ravanchi ayaa beeniyay in Iiraan ay miinooyiin ku aasayso Marinka Hormuz, dhowr maalmood ka dib markii Mareykanku sheegay inuu wax ka qabtay doomo qalabaysan oo miinooyiin ay ku rakiban yihiin oo u dhow kanaalka maraakiibta.

“Dalal qaar ayaa horey noola soo xiriiray si ay u maraan Marinka, annaguna waan la shaqeynay,” ayuu Takht-Ravanchi u sheegay wakaaladda wararka AFP.

Laakiin dalalka “ka qayb qaatay gardarada” ka dhan ah Iiraan “ma helayaan marin ammaan ah,” ayuu intaa ku daray, isaga oo sheegay in xukuumaddu rabto inay hubiso in dagaal mar kale lagu “soo rogi karin.”

Wuxuu sii raaciyay: “Markii dagaalku bilaabmay june-tii la soo dhaafay, 12 maalmood kaddib waxaa jiray waxa la yiraahdo joojinta colaadda laakiin sagaal ilaa sideed bilood kaddib, way nagu soo laabteen oo na weerareen.”

Related posts

Warbaahinta Dawlada Iran oo Xaqiijisay in Xaaska Ayatollah Cali Khamenei ay Nooshahay

Golaha Amaanka Oo Galabta Canbaareeyay Iran Balse ka Aamusay Duulaanka Maraykanka iyo Israel.

Ceerigaabo: Wasiiro ka Tirsan Somaliland Oo Beesha Warsan-gali kala Hadlay Amniga Gobolka Sanaag.