Dowladda Iran ayaa ku hanjabtay inay beegsan doonto kaabeyaasha muhiimka ah ee tamarta iyo biyaha ee dalalka Khaliijka, haddii Maraykanku uu fuliso qorshe uu ku weerarayo shabakadda korontada ee dalkaas. Hanjabaaddan ayaa sii xoojisay xiisadda colaadeed ee ka aloosan gobolka Bariga Dhexe.
Arrintan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu siiyay Tehran muddo 48 saacadood ah si ay dib ugu furto marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz, isaga oo uga digay in haddii aan la fulin, la beegsan doono warshadaha korontada ee Iiraan.
Afhayeen u hadlay milatariga Iiraan ayaa sheegay in haddii la weeraro kaabeyaasha tamarta ee dalkooda, ay si toos ah u beegsan doonaan xarumaha tamarta, biyaha sifeynta iyo nidaamyada tiknoolajiyadda ee Maraykanka iyo xulafadiisa ee gobolka. Wuxuu intaas ku daray in tallaabo kasta oo ka dhan ah Iiraan ay la kulmi doonto jawaab culus oo aan laga soo kaban karin.
Dalalka Khaliijka intooda badan ayaa ku tiirsan warshadaha sifeynta biyaha badda si ay u helaan biyo la cabo, taasoo ka dhigaysa kaabeyaashan kuwo xasaasi ah. Khubaradu waxay ka digayaan in weerar kasta oo lagu qaado xarumahan uu sababi karo dhibaato bini’aadantinimo oo baahsan oo saameysa malaayiin qof.
Dhanka kale, dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil ayaa weli sii socda, iyadoo la soo sheegayo weerarro gantaallo ah oo ay Iiraan ku qaaday gudaha Israa’iil, halka Israa’iilna ay duqeymo ka fulisay gudaha Tehran, kuwaas oo lagu badhtilmaameedsaday xarumo militari.
Inkasta oo Iiraan ay sheegtay in marin-biyoodku u furan yahay dalalka kale, haddana waxay muujisay in aanay u oggolaan doonin dalalka ay cadowga u aragto inay si caadi ah uga faa’iidaystaan.