Iiraan Oo Dibu Eegis ku Samaynaysa Qodobada Heshiiska uu soo Gudbiyay Mareykanka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Iiraan ayaa maanta u sheegay telefishinka Iiraan ee Press Tv inay Iiraan dib u eegtay qodobbo uu soo gudbiyay Mareykanka oo qayb ka ah heshiiska dagaalka lagu joojinayo, wuxuuna sheegay inay Iiraan qodobadan u aragto kuwa aan la aqbali karin.

Wuxuu intaa ku daray inay Iiraan la wadaagtay dhex dhexaadiyayaasha mowqifkeeda oo ay caddeysay inay sii wadi doonto weerarrada ay isku difaacayso illaa shuruudaheeda ka fuliyo.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa sheegay ; “Shuruudda ugu horreysa ee lagu joojin karo dagaalka waa in la joojiyo weerarrada iyo dilalka …Iiraan waxay sidoo kale sheegtay inaysan oggolaan doonin in Trump go’aamiyo goorta dagaalku dhammaanayo.”

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.