!ran, Oo Beegsatay Goob Waxyar u jirta Xarrunta Warshadaha ee ISRL(Negef).

Iiraan ayaa weerar culus oo gantaallo ah maanta ku qaaday lamadegaanka Negev oo ay ku yaalaan saldhigyo ciidan oo waaweyn iyo goobaha tababarka ciidamada.
Sidoo kale waxaa halkaas ku yaalla xarunta nukliyeerka ee Dimona, oo ah mid ka mid ah meelaha ugu sirta badan Israa’iil.

Waxaa mar kale uu su’aal la kulmaya nidaamka difaaca Israa’iil oo ay si fudud weerarrada Iiraan uga soo gudbayaan, gaar ahaan Negev, waa mid ka mid ah goobaha sida weyn ay u ilaaliso Israa’iil.
Balse maanta ma aysan awoodin in laga hortaggo gantaallada Iiraan oo uuro weyn ka dhaliyay goobaha ay ku dhaceen, sida ay baahisay Al Jazeera.

Iiraan ayaa maanta gantaallo ku qarxisay bartilmaameed kale oo istaraatiji ah, ka dib markii ay qaraxyo culus ka dhaceen xarunta korontada magaalada Hadera oo ka mid ah xarumaha ugu weyn ee korontada siiya magaalooyinka istaraatijiga ah ee Israa’iil oo ay ku jiraan Xayfa iyo Telaabiib, sida uu baahiyay telefishinka Ruushka ee RT oo sheegay weerarro bartilmaameed sax oo qaraxyo dhalinaya inay Iiraan, maanta ku beegsatay bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaalla gudaha Israa’iil, tallaabo loo qaadanayo inuu dagaalka galay wajiyada ugu khatarta badan.

Related posts

Wasiirada A.dibadda Turkiga Iyo Shiinaha Oo ka Wada-hadlay Xaalada Cakiran Ee Bariga Dhexe

Dawlada Kenya Oo Heshiis Ganacsi Oo Muhiim ah la Saxiixatay Shiinaha

Dawlada Qatar Oo Xaqiijisay in Iran aysan Weerari Doonin kaabayaasha dhaqaalaheeda.