Iiraan oo xalay weeraro balaadhan ka fulisay Bariga dhexe iyo Israa’iil

by Heemaal
1 minutes read

Iran ayaa habeenkii Talaadada iyo Arbacada u dhexeeyay weerarro ka fulisay dalal dhowr ah oo ku yaalla Bariga Dhexe. Dalka Sacuudi Carabiya, wasaaradda difaaca ayaa sheegtay in la soo riday toddobo gantaal oo nooca ballistic ah.

Sida ay wasaaraddu sheegtay, gantaalladaas waxaa lagu beegsanayay saldhig ciidan oo diyaaradeed iyo goobo ku dhow magaalada Riyadh. Waxa kale oo la sheegay in diyaarado badan oo aan duuliye lahayn (drones) la soo riday.

Iran ayaa Talaadadii ku dhawaaqday inay sii wadi doonto weerarrada ay ku hayso Israa’iil iyo bartilmaameedyada Maraykanka ee ku yaalla gobolka. Saldhigga diyaaradaha ee lagu weeraray Sacuudi Carabiya waa isla saldhigga ay horraantii bisha Maarso ka dhacday weerar uu ku dhaawacmay askari Maraykan ah, kaas oo markii dambe u dhintay dhaawicii soo gaaray.

Dalka Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa sidoo kale sheegay in nidaamka difaaca cirka uu ku howlan yahay soo rididda gantaallo iyo diyaarado drones ah oo laga soo tuuray Iran.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa isla mar ahaantaana sheegtay in dalkaasi uu weerarro ku qaaday saldhigyo Maraykan ah oo ku yaalla Bahrain iyo Ciraaq.

Dhanka kale, telefishanka Israa’iil ee Channel 12 ayaa sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen weerar ka dhacay meel u dhow magaalada Tel Aviv. Ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna sheegay inay weerareen bartilmaameedyo ku yaalla magaalada Tehran ee caasimadda Iran.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.