Heemaal News Network

Ilhaan Cumar Oo Dalbatay in ay la Kulanto Madaxweyne Trump Kadib-na la Shaaheyso

Xildhibaannada Soomaaliyeed ee Ilhaan Cumar oo waraysi siiyey Wargeyska caanka ah ee The New York Times ayaa sheegtay in ay jeclaan lahayd in ay la kulanto madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaas oo dhowaan iyada iyo Soomaalidaba ku tilmaamay in ay yihiin qashin iyo dad aad u xun oo ka yimi dalka ugu liita Caalamka.

Ilhaan waxa ay sheegtay in Trump ay ku casuumi lahayd Koob Shaah si ay u tusto in aanay ahayn qashinka uu ku sheegayo balse yihiin dad cajiib ah oo nadaafadoodu aad u sarrayso.

Waxa ay xustay in loo soo diro hanjabado iyo digniin nafteeda lagu beegsanayo, waxayna tibaaxday in ay si weyn amnigeeda u ilaaliso oo ay ku bixiso lacago loo soo ururiyey oo ka yimi dhinaca ololeheeda doorashada.

Xildbibaannadu waxa ay eedaysay ciidanka la dagaalkan soo gelootiga ah e ICE ay sheegtay in ay beegsi ku hayaan Soomaalida gobolka Minnesota ku dhaqan.