Imaaraadka:-Diyaaradaha Dronka Iran Oo Duqeeyay Warshad ugu Wayn Bariga Dhexe Ee Shidaalka sifeeysa

Weerarkii ugu weynaa ee Iran ay fuliso Talaadadii ilaa hadda wuxuu ahaa weerar drone oo lagu qaaday Ruwais Industrial Complex, oo ku yaal Isutagga Imaaraatka Carabta — goobtaas oo hoy u ah warshadda sifaynta shidaalka ugu weyn Bariga Dhexe.

Xafiiska warbaahinta ee Dubia ayaa sheegay in dab ka kacay goobta, balse wax dhaawac ah lama soo sheegin, mana aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP) ayaa sheegay in ilo xog-ogaal ah u sheegeen in warshadda sifaynta si ku-meel-gaar ah loo joojiyay shaqadeeda si taxaddar ah.

Goobtan waxaa maamusha shirkadda shidaalka ee dowladda Abu Dhabi National Oil Company (ADNOC), taas oo awood u leh inay soo saarto 922,000 foosto oo shidaal ah maalintii.

Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in siddeed gantaal ballistic ah iyo 26 drone la qabtay Talaadadii, halka sagaal drone ay ka gudbeen difaacyada hawada.

Related posts

Safaaradda Maraykanka ee Jabuuti Oo soo Saartay Digniin Amni.

Xoghayaha Gollaha sare ee Amniga Iran Oo War kasoo Saaray Marin Biyoodka Hormuz

Mareykanka Oo Shaaciyay in 140 askari oo Mareykan ah Lagu Dhaawacay Dagaaka Iiraan