21
Ciidamada difaaca cirka ee Imaaraadka Carabta ayaa hadda ka jawaabaya hanjabaado gantaallo iyo drones ah oo ka imanaya Iran, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee UAE.
Bayaan ay wasaaraddu ku daabacday baraha bulshada (X), waxay ku sheegtay in dhawaqa qaraxyada ama jugta laga maqlayo gudaha dalka ay sabab u yihiin nidaamyada difaaca cirka oo soo ridaya gantaallada iyo drones-ka soo socda.
Iraan ayaa weerarada ugu badan ee Khaliijka ku qaaday Imaaraadka.