Wax saxaafadeed ay soo saartey Wasaarada Arrimaha Dibada Imaaraadka ayaa lagu yidhi “Dowladu Imaaraadku waxay si adag u cambaareeynaysaa weeradada argagaxisada ah ee Iiraan ay la beegsatey laba saldhig ciidan oo ku yaala gobolka Kurdistaan ee waqooyiga Ciraaq, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay Ciidamada Kurdida.”
“Weeraradani waa kuwo khatar ah oo xadgudub cad ku ah mabaa’diida sharciga caalamiga ah, Imaaraadku wuxuu garab taagan yahay Jamhuuriyada Ciraaq iyo Maamulka Kurdistanka Ciraaq, wuxuuna ka taageerayaa dhamaan waxkasta oo ilaalinaya ammaankooda iyo badbaadada muwaadiniintooda.”