In ka badan Kun Askri oo ICE ah Oo laga Saaray Minnesota.

Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka Tom Homan ayaa goordhow kudhawaaqay in inka-badan kun askari oo ICE ah ay ka saareen Minnesota. Go’aankan ayuu sheegay inuu daba socdo qorshaha joojinta howgalki loogu magac daray Metro Surge.

Tom Homan ayaa hadalkiisa sii raaciyay in maalmaha soo socda ay gobolkan ka saari doonaan boqolaal kale, si culeyska looga yareeyo Ajaanibta Soomaalida u badan.

Howlgalka ICE ee muranka badan dhaliyay ayaa sababay xabsi-wadareedyo, dibadbaxyo iyo dhimashada laba muwaadin oo Mareykan ah.

Tom Homan waxa uu sheegay in ciidan “yar” oo aan la cayimin ay sii joogi doonoaan muddo gaaban si ay u ilaaliyaan wakiillada socdaalka ee haray isla markaana loo sii wado baaritaanka eedeymaha la xiriira khiyaano.

Related posts

Shiinaha Oo Maanta Xaqiijiyay inuu Iran ku Wareejiyay Raadaarka nooca YLC-8B.

Erdogan Oo Baajiyay Booqashadii Uu ku Tagayay Imaaraadka Iyo Sababta loo Baajiyay

Afhayeenka dawladda Afgaanistaan”Waxan Taageeri-doonaa Iran Hadii Uu Maraykanku Weeraro.”