Iraan Oo Dirtay Hanjbaad Halis-galin Karta Dhaqaalaha Caalamka

Ciidamada Iran ayaa ku hanjabay inay bartilmaameedsan doonaan xarumaha saliidda ee gobolka haddii Israel ay duqeyso goobaha tamarta ee Iran.

Hanjabaadda Iraan ayaa ka dambeysay ka dib markii la duqeeyay keydka gaaska dalka Iraan, taasoo keentay in qiiq xiray hawada dalka Iraan gaar ahaan caasimadda Tehraan.

Khilaafka gobolka ayaa galay heer cusub oo aad u halis ah, kadib markii Iran ay qaaday weerar drone oo guuleystay oo lagu beegsaday warshadda sifaynta shidaalka ee Haifa ee Israa’iil, taas oo jawaab u ahayd duqeymihii dhawaan lagu qaaday bakhaarada shidaalka ee Iran.

Weerarkan is-aargudashada ah ee lagu bartilmaameedsanayo kaabayaasha tamarta wuxuu muujinayaa isbeddel khatar ah oo dagaalka ka leexinaya weerarro militari una wareejinaya dagaal dhaqaale oo buuxa, kaas oo halis gelin kara xasilloonida tamarta caalamka.

Related posts

Qatar oo soo riday labbo diyaaradood oo Iiraan leedahay oo 2 daqiiqo u jirsday,,

Milateriga iyo siyaasiyiinta Iiraan oo taageeray hogamiyaha cusub, mucaaradka oo boqortooyo u arka

Trump oo ka carooday hoggaamiyaha cusub ee Iiraan