Iraan Oo Maanta Weerar Duqaymo ah ka Fulisay Afar Dal oo Khaliijka ah

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dalalka Khaliijka ayaa sheegay in weerarradu ay wali ka socdaan guud ahaan gobolka. Waa kuwan qaar ka mid ah wixii laga soo sheegay tan iyo maanta.

Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in lix gantaal oo ballistic ah lagu soo ganay caasimadda Riyadh. Waxay intaas ku dartay in laba ka mid ah la qabtay, halka afarta kalena ay ku dhaceen Badda Khaliijka iyo meelo aan la deggenayn.

Kuwait ayaa sheegtay in saaka weerarro lagu qaaday dekeddeeda ganacsi ee ugu weyn, Shuwaikh. Hay’adda dekedaha dalka ayaa sheegtay in uu jiro “khasaare hantiyeed balse aanay jirin wax khasaare naf ah.”

Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa sheegtay in difaacyadeeda cirka ay la tacaaleen lix gantaal oo ballistic ah iyo sagaal diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) oo laga soo diray Iran maanta.

Ciidamada difaaca ee Bahrain ayaa sheegay inay qabteen 362 diyaaradood oo drones ah iyo 154 gantaal tan iyo bilowgii colaadda, taas oo kordhay 12 drone marka la barbardhigo warbixintii shalay.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa hore uga digay dadka ku nool Bariga Dhexe inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Maraykanka, balse ma aysan sheegin goobaha saxda ah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.